13,542 views
Geeraar -Abdi
Inkastood guwayn tahay
Ama gaysi adag tahay
Marbaad gabi dhacdaaye
danta gays martaa
Geeraar, Laki
Inakastoow gayaan tahay
Ood qarasho dheeratahay
marbaad gaabisaa oo
Talo kaa gooracantaa
Gooni gaab sidii
Gaf wareegayoo
Ama aan la galay
Cududaha is gashaday
Galbiskii gurxamay
***
Gaarigaan hakraday
Nafsi aan ka galay
Guula ma daydadaa
Daymo wacan Gudoon
Laki
Garanoo sidii
Garmayiyoo
Hadba gumin cidlaa
Ka dharsugay cirikii
Gabankii is biday
Goobyahay dagay
Gu’gii baaqadayo
Galxareed la sheeg



Aboowihiis heestan video laguma duubinoo. Hadii ay jirto fartalee iigu fiiq.
Saas waayee!!!!!!!!!!!!!!!!!!
saaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa
sida ayra geel oo
ramag laga gingimay
gacaloy naftaa kuu
hamuun qabtee
cishqi bay galoo
gartaydii naqdee
maruun ii garow
aan abaal gudee.
gaaridaan hagraday
nabsiganna kagalay
jawharadaan lunshaay
gaadada igu qabo.
waaryaadaheen heestu waa mid wanaagsandee. Waan la dhacay oof caleek!!!!!!!!!!!!!
waa kaa haayaa !!!!!!! tan maa malab ah, laa ilaah tan macaan iyo malab waaye..
walaalo caydaruus noo dhamaystir malabkan.
laki.
garanuug sideedii
garmaameeyayoo
hadba godan cidla
guure socod galee
guguulaa sidisii
ama galowga ciya
ka dhursugay cirkoo
xidigaha dhugtee
gabankii is biday
goonyahayga degey
gugii baaqdayow
galxareedle sheeg
ama aar la galay
cududahays gashaday
gediisii gurxamay
oo u guuxayey
gaaridan hagraday
nabsiga aan ka galay
guulamo dayr dadaay
dayma wacan gudoon
goonidaaq sidii
gaafwareegayoo
hadba gees dhugtoo
gucle orod galee
Hestan mid aad u wacan waayee, awey mireheeda oo dhan masoo qortaan oo mahadsannid.
wlhi heestaa caadi maahn anigu waaba ka helay really,,,,,,,,,,,,
anoo xanaaqsan aan dhegeysa haa waa farxaa leeh walahi hesta aad ay u macdahay yaa maahinoo. yaableh dhe.
heestan aad baa musikadeedu mactahy ani waa dheelaa.
ani waxaan u mahad celinaa abwaanka heestan iska leh sheekadan camal ani lee igu dhacday inkastoo cunugii jacaylka ila jilay aan mar danbe lee kala tagnay lakiin xusuuslee wacan ayay heestan ii tahay !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
heestaan caadi maahin saxiibtay ayaa isoo wacday oo sheegtay waxay dhahday hees aan aad u jeclaaday baan helay bal ila dhegeyso, anna waan ka helay wooooooooooooooow
heestaan qoraalkeeda aan jeclaan lahaa ma jiraa qof i i qori kara?????????????
nice song. Well done Mr. Artist.
salaanta islaanka ka dib . Hadee heestani waa mid u qalanta in marwalba boowe ladhegeysto jacayl bay ku abuuri qofkii dheysta.
walaalo heestu way ii baxday , waxbadanna waan dhegeystay, Mida kale heestan ku daali maysid adigoo xiisaynaya ayay kaa dhamaanaysa yaab. waa wax aad u macaan heestu.
Ala hayaay jecliyaa heesaa noocan ah. walaalo halkaas ka haya, waxan ka dhegeystay markii iigu horeysay reedyo hargeisa somaliland. alaa ya khali dhalinta qaaadaysa heesta iyo abwaanka leh ba
waah waah waa hees aad muusikadeedu u sarayso midho macaan leh si fiican weeye laki haji iyo cabdi badil.
Walee waa hees aad u wanaagsan, dunidda fanaaniin fiican baa somali u joogta, Laki halkaa ka hay codkaaga wa wax wacan, ninka kula qaadayana waa noormal
Aad bay umacaantahay heestaan, miraheedanna macaan waaye oo dhaqanka somaali logaga shekaynayo. abwaanda somaliyed waan jaeclahay qaarkood si fiican nabad ey.
It looks one of the best songs aired in this year. Realy, it reminded me the beautiful time gone lived in Somalia.
Maanshaa allaa heestani aad bay u macaantay abwaanadii hore ayaan xasuustoy sidda hassan ganay iyo huseen aw farax ama sangub.
Wixii burburkii ka danbeysay heestaan hees oo ka xikmo iyo muusiko macaan ma dhegeysan. abwaan oo qatar ah ayaa sameeyeey maansha alaah. heest waxa ladhahaa (abaal gud) waxa sameeyey abwaan la dhaho maxmed axmed sawaxili