Beerdilaacshe
Lyrics by Maalmo.comQormo roob helayoo
uu qaaniyeeyoo
ay xareedu qarisaad
qamareey quruxdeeda leedee
qaadirkii ilaahey
qaayo iyo sharaftii
qanjiidho koley tahey
kaama uu qadinine
markaan qamar ku eegaba
qamuunyaa ilagadee
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa
^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^
Labadaada qaariyo
dhexdu qabasho leedaa
geenyo qeyraba ahoo
loo qaadey heesaad
qotonkeeda leedee
dayax qanimadiisii
aan caadku qariniyo
cirku sagalku qeydiyo
qureyshtii haweenkaay
qadow geed ku yaaliyo
qawlihii magooleey
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa
Magool
Qoraxdoo aroortii
qar la soo baxdoo
aan caadku qarinbaad
qumanow qabadeedii ledee
nabi yuusuf quruxdii
qaadirkeenu siiyaa
adna qeyb ka wadataayoo
qeyrkaa ku dhaaftee
hadaan qado anfaaciga
adaan kugu qaboobaa
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye
Magool
Waxaan kugu qiyaasaa
ama kugu qadiriyaa
qabri hoose mooyee
qumanow qarnigaba ma noolee
qadaf ku hadli mayee
amaanta aan kuu qirey
waa mid aad u qalantood
qaayo aad ka gaadhee
wax ilaahey kuu qorey
lagaa qaadi maayee
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye



wah waah waxasa xasuusa