Abdi Tahliil - La yaab - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

La yaab

Artist Abdi Tahliil
91,380 views

Laygu kaa dul yookee
Wanaagana ma yeeshidee
Sideed iila yaabtaa
Yoon baad I gelisee

Lyrics by Maalmo.com

Yaxyaxiyo xishood baa
Igu yuurursadayoo
Jacayl igu yataay baa
Ii yeeranaayee

Yeeygiyo ugaadhaan
Xeryeha u yagleelaa
Yacca iyo atoorraa
Aan yamaar u daabtaa

Yuuqaba adeey baday
Yulqankiyo taahee
Laygu kaa dul yookee
Waanaga ma yeesheediye

Sideed iila yaabtaa,
Layaabtaa, sideed iila
Layaabtaa, layaabtaa
Yoon baad I gelisee

Kalgacayl yumuuyi
Yaryareeysi ma lahee
Yanyaboohistaadaa
Yaayaale qaadine
Yoociyo adoon noqon
Laanyiciga oo kale

Oo aan yu ashadeydana
Waa yeelkadaa odhan
Yabadhbaan ka heli lahaa
Hadaan dhagax u yeedhee
Laygu kaa dul yookee
Waanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa,
Layaabtaa, sideed iila
Layaabtaa, layaabtaa
Yoon baad I gelisee

Duul-ka yur idhi baan
Yaacaayey waaq lii
Oon yeel ku xidhay Geri
Ama yacay kusoo rarey
Igumaad yiqbooteen
Adoo yaalla haradee

Yaabyaabka iga daa
Waan kuu yahoomoo
Laygu kaa dul yookee
Waanaagana ma yeeshidee

Sideed iila yaabtaa,
Layaabtaa, sideed iila
Layaabtaa, layaabtaa
Yoon baad I gelisee

Heesaha kale Abdi Tahliil Riix magcan

1 Comment

  1. yasalaam heestan wahees layaableh ilahay ha caafiyo talhiil

Leave a Reply