Abdinuur Salaah Warsame - Heelo las qorey - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Heelo las qorey

Maxaan soo horey jacalykoo
maxaan hoobey ku idhiyoo
maxaan darka uga heesey
hankeygu muxuu fogaadey
hawaawir muxuu i qaadey
maxaan hurdo seexan waayey
adoon ii hagar baxaynin
miyaad hawshan igu beertey
anuubaa kugu hadraayee
ileen warba iima hayside
nasiibku haduu hungoobo
nabsigu waa hiiliyaaye
hadaan kula hawl yaraadey
hubsan doontide aan habeynee

Lyrics by Maalmo.com

Heeladu waa heelo las qorey

Maxan cidla kaaga heesey
haweenka maxaan ku dhaafshey
maxaan kuu calaacaley
daraadaa maxaan kalaabey
hirdo doog leh maxan ku moodey
maxaan kuugu soo hiloobey
adoon ii hagar baxaynin
miyaad hawshan igu beertey
hubsiimo maxaan ilaawey
maxaan hibashada ku raagey
nasiibku haduu hungoobo
nabsigu waa hiiliyaaye
hadaan kula hawl yaraadey
hubsan doontide aan habeynee
Heeladu waa heela las qorey

Songs from similar artists