Axmed Cali Cigaal - Caraweelo - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Caraweelo

Markii aan ku caashaqay
Tallaa iga cuslaatoo
Iga ceyn wareegtee
Nabsi ceelalyoow maqan
Rabbina waan cuskanayaa
Calafkuna mabaaqdee
Ceynkii caraweeliyoo
Cadow haygu noqoninee
Mar uun ii calool dabac

Lyrics by Maalmo.com

Carra laga hayaama
Annigiyoo ciyoow
Ku caweesinaa
Gantaalaha cadceedaa
Yaan ku caga gubyoodoo
Aan waheshi moodee
Ceynkii caraweeliyoo
Cadow haygu noqoninee
Mar uun ii calool dabac

Ceeb maleh jaceykuyoo
Waa dowlad calanloo
Ciddi lama hadleysee
Cilad eebba keenaa
Dadku igu canaantoo
Cudurdaar uyeelee
Ceynkii caraweeliyoo
Cadow haygu noqoninee
Mar uun ii calool dabac

Waxaa qoray: Bashiir Salaad

Songs from similar artists