Ahmed Biif - Diiwaan - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Diiwaan

Artist Ahmed Biif
98,203 views

Armuu i dilaa cishqigu
armuu diihaal jaceyl nafteyda dugaashadaa aniga
haduu cilmi doogta dhigay
armuu anna igu daraa
qabrigay ii daadahshaayoo diiwaanka
diiwaanka armaan galaa anigu
dawooy, dawooy anigoo ku jecel
jidhkeyguna kuu damqado
armaad iga doorsataayoo
cishqiga igu deyrisaayoo
dalxiistaa meelo kale adigu
danteena adaa hayee
taladaan kuu deynayaa
adoo ii diirnaxaaya
qalbiga raxmad iiga doon

Lyrics by Maalmo.com

Armuu doog igu noqdaa
nimaan doorida mudneyn
armey dantu caawisaa isaga
haduu caashaqu i dilo
armaad adna daanadaa
docdaada ka yeelataayoo dariiqii
dariiqii hodan martaa adigu
anoo, anoo kuu daacadoo naftuna kuu daalantahay
armaad axdi doorisaayoo
cidlada igu deyrisaayoo
dalxiistaa meelo kale adigu
anoo, anoo kuu daacadoo naftuna kuu daalantahay
armaad iga doorsataayoo
cidlada igu deyrisaayoo
dalxiistaa meel kale adigu
danteena adaa hayee
taladaan kuu deynayaa
adoo ii diirnaxaaya
qalbiga raxmad iiga doon

Heesaha kale Ahmed Biif Riix magcan

1 Comment

  1. cadi mahan hestaan runtii aniga ahaan waan ka helay fanaan culus dheh ahmd bf

Leave a Reply