Ahmed Mooge Liibaan - Badda caashaqeen Gudhin - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Badda caashaqeen Gudhin

Artist Ahmed Mooge Liibaan, Sahra Ahmed
129,842 views

bada caashaqeen gudhin
een cidi ka soo bixin
adey baraye ma ogtahey
kolkii aan bariinsadey
kabaxdaye maxaa dhacey
beeneysey wacadkii
nabsi waa ma baaqdee
adoo baahan la arkee
inaan kuu badheedhee
adigoo bukoodoo
bogsadaan hawlyareyne
bir ku goysayee
aheey barashadeenii

Lyrics by Maalmo.com

buuqiyo walaaciyo
beerkeyga lahashada
adaa badayee ma ogtahey
kolkuu bixiyey laamaha
uu baahey adigaa
bar xun igaga leexdee
nabsi waa ma baaqdee
adoo baahan la arkee
inaan kuu badheedhee
adigoo bukoodoo
bogsadaan hawlyareyne
bir ku goysayee
aheey barashadeenii

buuqiyo hamiga iyo
boholyawga xiisaha
adey barayee ma ogtahey
kolkuu beleley ololkii
meel baaxad sooraha
baryo igaga baydhee
nabsi waa ma baaqdee
adoo baahan la arkee
inaan kuu badheedhee
adigoo bukoodoo
bogsadaan hawlyareyne
bir ku goysayee
aheey barashadeenii.

Heesaha kale Ahmed Mooge Liibaan, Sahra Ahmed Riix magcan

5 Comments

  1. Heesta halka aad ka dhigteen
    Cir Ku Goysayee ….waxay ku sax tahay Bir Ku goysayeeee…10x

  2. alle haga badbaadiyo

  3. ssssss

  4. nice song

Leave a Reply