Ahmed Naaji Sacad - Dal Iyo Duunyo - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Dal Iyo Duunyo

Artist Ahmed Naaji Sacad, Luul Jeylaani
149,388 views

Dal iyo duunyo adaan kuu deyhaayee
Iyadaa i duleeysee damac malee
Meel daawo leh yaa ila doonaayee

Lyrics by Maalmo.com

Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraayee daraadaadee

Doon-doonistaadaan ku daalayee
Daaftiin maro adigaan kaa dayee
Dadkeygi dartaadey ii deyriyeen
Doqoneey dabcigaaney dooriyeen

Waa ley dilay waa ley dagaalayee
Darbiyaa laygu oodee dartaadiyee
Daartiin ku Jiraan dibadda laga xeree
Inaan ku daymoodaa la diidayee

Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraaye daraaddaa

Dabka aad ku nooshahay waan kuu deeyhaaye
Aan dartaa u dulloobee damac malahee
Meel daawo leh yaa ila doonaayee

Meel duur cidlo aan soo dawaafayee
Duufaan iyo dabeylaan dugaashadee
Darinteey dhana waasoo duubtayee
Darbi jiif iyo Dulliyaan doortayee

Ha isku daalanin duurkaas dugaag lahee
Meel kuu daranee ha isku deyninee
Inaan ku daryeelaan u duubtayee
Daruufta ihaysaan la daahayee

Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraa daraaddaayee

Dal iyo duunyo adaan kuu deyhaa
Iyadaa i duleeysayee damac malahee
Meel daawo leh yaa ila doonee

Waxa ii daran dayaxdiin Doortayee
Dabin may u dhigeen mise waa dileen
Dambigii Gashayaa soo daahiree
Duco waalid habaar maad ka dooratee ?

Waa ley dilay waa ley dagaalayee
Darbiyaa laygu oodee dartaadiyee
Daartiin ku Jiraan dibadda laga xeree
Inaan ku daymoodaan la diidayee

Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraa daraaddaadee

Dalka aad ku nooshahay waan kuu deey
haayeAan dartaa u dulloobee damac malahee
Meel daawo leh yaa ila doonaayee

Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraa daraaddaadee

Heesaha kale Ahmed Naaji Sacad, Luul Jeylaani Riix magcan

2 Comments

  1. waan idin salad waana idin han balyeeyhaa bahda somaliyeed

Leave a Reply