Anab Ismaciil Jama - Sadaqada Bixiya - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Sadaqada Bixiya

Artist Anab Ismaciil Jama, Qoomaal, Toosiyow, Xaawo kiin
124,034 views

Sadaqada Bixiya : Erayadii Mohamed Deeq Alfa
chorus
Sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaagoo
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa

Lyrics by Maalmo.com

Page 1 (Qoomaal)
Boqorkaa wax heystee
Aan baahan weligii
Waatan abaar ba’aniyo
Boqolaal kunoo ruux
Beerahiyo xoolahoodii
Maalkoodii baaba ay

chorus
sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaaga
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa

Page 2 (Canab)
Waa baaq dardaaranee
Bulshayahay dhamaantiin
Isku beer nuglaadoo
Waa inuu maanta bixiyaa
qofba baaxadiisiyo
intuu beeso helikaro

chorus (kuligooda)
Sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaagoo
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa

Page 3 (Teesiyoow )
Barbaar iyo cirooliyo
hooyada balanbaleysee
biyo iyo baad la aan
baaheshay waa bestoodoo
naxariista badiya oo
rabaa naf badbaadshee

chorus
sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaaga
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa

Page 4 (Hawo Kiin)
Ubadkan booyaayee
beerkiyo bogoodiyo
bar jirkooda qalalay
kuu baahan maantee
bile hadduu kusiiyey
bixi intaan kareysee

chorus
sadaqada bixiyoo
ha baqeylin weligaa
ku badbaadi dadkaaga
boqolkaad direysaan
beriba waad heleysaa

By: saciid bulxan

Heesaha kale Anab Ismaciil Jama, Qoomaal, Toosiyow, Xaawo kiin Riix magcan

9 Comments

  1. maaasha.alh

  2. Walaalayaaloow Illaahey halaga baqo oo sadaqada hala bixiyo, umada dhibaateysan wax haloo qabto. heestaan sadaqada Bixiya fanaaniintii ( qoomaal, canab, Teesiyoow, iyo Xaawo Kiin ) ee heesay heestan  ajar illaah haka siiyo sida wanaagsan ee umada ay u dhiirigelinayaan in ay walaalahooda u caawiyaan.Dunida intaan noolahay Hees soomaali oo ka qiimobadan ma arag, waayo waxay ka hadleysaa xaqiiqda maanta ka jirta wadankeena. Illaahey waxaan ka baryeynaa inuu abaarta naga qaado, barwaaqana lagu dambeeyo.   Insha Allah

  3. best song for Abaraha 2011Sadaqada Bixiya  thanks to qoomaal, canab, teesiyow and Hawa Kiin and also the best Abwaan or song writer of the year Mohamed Deeq Alfa.I really love this song it is very deep. 

  4. Get the lyrics :)
    chorus
    sadaqada bixiyoo ha baqeylin weligaa ku badbaadi dadkaagoo boqolkaad direysaan beriba waad heleysaa 

  5.  wwwwwwwwwww   waa hees aad iyo aad  u macaan  maasha allah afkiin caano  dhaay ah  lagu qabay 

  6. masha allah waa hees aad u wanagsan thanks qomaal anab cumar teesiyow and hawa kiin:)

  7. walaalo yaal ha oranina waa hees oo kaliya ee waxaad fiirisaan macnaha heesta iyo meesha ay kusocoto oo ah sadaqada walaalahaa ay gaajadu haysato maanta,hana dhageysan oo kaliya ee isticmaala oo sadaqada oo walaalihiina siiya way ubaahanyihiine

  8. Sadaqada BixiyaMaasha Allaah, Waa hees aad u wacan oo dareen leh. Markaan heestan dhageystay waan ilmeeyey, cuntadiina wey iga degi weyday. Illaahey soomaalida abaarta haka dul qaado.  Aamiin  

  9. Waw waa hees aad umaac Somaalaay sadaqada bixiya

Leave a Reply