Aweys gulaangul - Maryaneey adna - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Maryaneey adna

Inoo jacaylku malag yahay
ama uu mid sugan yahay
Midaan cidi arkayn yahay,
murug yahay ma moogtahay??

Lyrics by Maalmo.com

Maalinbaa Cilmiba Hodan
Naftu loogu meershoo
Cantar loo maqiiqayee
Cabla lagu musmaarayee
Markaas Layla iyo Qays
Muxibada udilay baa
Mataanaha igala jaray

Maryaneey adna
Meel xun ha idhigin
Ha ila maagin murugada
Yaa mutaysan iilkoo
Midigtaada iga qabo

Inoo jacaylku midi yahay
Miishaar ka adagyahay
Mashiinada calooshiyo
Mudka galo ma moogtahay??

Maryaneey waxaan ahay
Nin jacayl Maxbuusay
musmaaradiisa lagu muday
mawjadii dharbaaxday
Heerkaan maraayoo
marada iyo hurdaba
Masas layga yeelay

Maryaneey adna
Meel xun ha idhigin
Ha ila maagin murugada
Yaa mutaysan iilkoo
Midigtaada iga qabo

Songs from similar artists