Cabdiqaadir sanka - Doon Doonisteedi - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Doon Doonisteedi

Artist Cabdiqaadir sanka
75,022 views

Qurux dumaroo
aadmi daawado
Yusuf dabadii
Dunni timid baan
Saaka daalacay
(2x)

Lyrics by Maalmo.com

Annigu doortoo
laabta doontee
maanka deeqdoo
deeynba waayee
(2x)

Waa doogiyo
Ubax dilaacee
Gu’ da’ayiyo
daruur dilaacdee

diif baan qabaayoo
doon doonisteedii
daal aan ka qaadaan
La taag dareeyey
(2x)

Diric haweenoo
la dugaashado
deeqsi aabiyo
Hooyo dihataan
Saaka daalacey

Uurka dooxdoo
Jir dubaxshee
Aah u duloobaye
Yaa i daaweeya

Waa doogiyo
Ubax dilaacee
Gu da’ayiyo
Daruur dilaacdee

IIn baan qabaayoo
Doon doonisteedii
Daal aan ka qaadaan
La taag dareeyey
(2x)

Heesaha kale Cabdiqaadir sanka Riix magcan

1 Comment

  1. alloe=wu naxariiso fanaanka

Leave a Reply