Cabdiqaadir sanka - Sahra Ceeblaay - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Sahra Ceeblaay

Artist Cabdiqaadir sanka
63,124 views

Caku aragtidaadii
saw caashaq ima helin
misna cudur xanuun lehiyoo
sow ciil imuu badin
(2x)

Lyrics by Maalmo.com

Anfacada la cuna iyoo
saw ceeshkii kama go’in
cabitaana daayoo
cunahaba ma mariyee
inuu caashaq halis yahay
calafkana wax jira yahay
caawaba anaa qiree
cawaba anaa qiree
(2x)

adiguna sahra ceeblaay
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa

(2x)

Caku milicsigaagii
saw indhuhu kuma calman
dabadeed calooshiyo
saw caqliga uma gudbin ahahaa

(2x)
iyana codsigoodii
saw qalbiga uma celin
isna cabir wuxuu yidhi
cajab weeye gabadhuye

(2x)
inuu cadarku udug yahay
adina aad canbar tahay
cawaba anaa qiree
cawaba anaa qiree

adiguna sahra ceeblaayeeeee ah
cudurka ma ila qabtaa
calanka ma ila sidaa
calafka ma ila sugtaa
mise kumaan cajabin
ani kumaan cuntamin
cidlaan kali heesayaa

Heesaha kale Cabdiqaadir sanka Riix magcan

Leave a Reply