Cad Ceediyo Xidigihiyo
Cimilada Aduun Yada —– X 2
Cirka Aarka Joogiyo
Halka Ceynku Kaga Yaal
Adigoon Ku Caan Noqon
Carra Edegta Hadalkee
Ama Caami Kala Harin ——X 2
Isagaa Cumaamadan
Culuun Kaa Gu’ Weynoo —— X 2
Caya Yaanka Duulee
Cidi Aaney Aragiyo —- X 3
Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga
Haku Noqon Haku Noqonin
Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii —- X 2
QEYBTA 2 AAD
Caqligiyo Wax Garashiyo
Ceynaano Nabadeed —– X 2
Xajadaa Cakirantiyo
Golo Lagu Cadeyn Karo
Codkarkiisa Weyniyoo
Garta Caadilkeey Noqon
Ama Caawin Karin Nolol —– X 2
Ha U Caroonin Waqtiga Iyo
Calaf Waxaad Ku Weydoo —– X 2
Caya Yaanka Duulee
Cidi Aaney Aragiyo —- X 2
Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga
Haku Noqon Haku Noqonin
Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii —– X 2
QEYBTA 3 AAD
Cilmi Iyo Wax Barashiyo
Caruurnimo Wax Kaa Lumay —- X 2
Adoon Cashirka Diintiyo
Cabsidii Illaah Wadan
Ama Caalim Weyn Noqon
Ha U Oran Cariifiga
Caggo Midaad Ku Galeysiyo —- X 2
Ha Cadaadin Ruuxaan
Kaa Gayin Colaadoo —– X 2
Caya Yaanka Duulee
Cidi Aaney Aragiyo
Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga
HaKu Noqon HaKu Noqonin
Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii
BY ==> AMUUNA ABDULLAHI