Fartuun Ahmed Birimo - Maandeeq - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Maandeeq

Birimo
Maantaba haddii
Nabad iyo maslaxo
Lamushaaxayoo muqdisha ii xor tahay

Lyrics by Maalmo.com

Madaxdii iyo maatadii
Midigta is heystaan
Waa mahad alle alle
Murtida hadeeeey
maandeeq dhashee

Faysal
Maantaba haddii
Dadku muhada iyo
Muran iyo qabiil
Ka yihiin mid qura

Madaxdii iyo maatadii
Midigta is heystaan
Waa mahad alle alle
Murtida hadeeeey
maandeeq dhashee

Birimo
Maantaba haddii
Mudane iyo marwaba
Midnimo iyo sinaan
Ku yihiin maqsuud

Madaxdii iyo maatadii
Midigta is heystaan
Waa mahad alle alle
Murtida hadeeeey
maandeeq dhashee

Feysal
Maantaba haddii
Shacabkii mudada
Ku maqnaa qurbaaha
Soo noqdeen markale

Madaxdii iyo maatadii
Midigta is heystaan
Waa mahad alle alle
Murtida hadeeeey
maandeeq dhashee

Qoralka By: Bashiir Salad

Songs from similar artists