Habiib Sharaabi (Xabiib) - Maseerisooy - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Maseerisooy

Artist Habiib Sharaabi (Xabiib)
70,124 views

Miyirka waa beelay
maseerisooy muunta muunteeyee
nin daara fiiqeede
inaa ka soo boodee
meydkee haloo sheego

Lyrics by Maalmo.com

Mana la mooga
inaan maqaalinteed galayee
milkisayee qalbigeyga
mahad ma leygu ogee

Madar waxan ka mutaa
in leygu maadeesto madaxeedee
magac iyo masiibo mar lee
ey kuu baxaayaanee
see looga moodaa

Mana la mooga
inaan maqaalinteed galayee
milkisayee qalbigeyga
mahad ma leygu ogee

Macalin ha leegu tago
oo muxibadeed iga madoobeeye
mana leehi muuna tahee
an lee isku malaaqsaahee
mid kala u muuqda

Mana la mooga
inaan maqaalinteed galayee
milkisayee qalbigeyga
mahad ma leygu ogee

Heesaha kale Habiib Sharaabi (Xabiib) Riix magcan

Leave a Reply