Halimo Khalif Magool - Aramidu - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
286,227 views

Magool

Lyrics by Maalmo.com

Intaan aamusnaayee
amakaagsanaabuu
wakhtiguna ordaayoo
waayuhu i ooteen
aramidu isoo ridan
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

Tubeec

Amraney nasiibkaa
waxbaad u ladee
waa wada amaarado
dhibaatada adduunkuye
arimadu isoo ridan
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

Magool

Asalkaba jacaylku
intuu ugubka igu yahay
ee nuqudka iga galin
oogada ku sii fidin
aramidu isoo ridi
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

Tubeec

Ayamahan daraadaa
anfacadii ka go’ayoo
ambadoo habaaboo
waanigaa asqoobee
aramidu isoo ridi
maad iman agteydoo
ana aan ku eegtee

Heesaha kale Halimo Khalif Magool, Mahamed Sulayman Tubeec Riix magcan

1 Comment

  1. walaalah nosoo gudbiyey barnaamijada kaladuwan xasuus teena hore anigoah mohamed mahamud waad mahsantahii walaal guud

Leave a Reply