Halimo Khalif Magool - Dhoof Nooli Kulanteed - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Dhoof Nooli Kulanteed

Artist Halimo Khalif Magool, Mohamed Ahmed Kuluc
144,856 views

Kuluc

Lyrics by Maalmo.com

Jacaylkan I dhaawacey
Jaceylkan idhalan rogey
Jacaylkan idhaansadey

Jaceylkii dhabta ahaa
Soo dhawaatey halistii
Markaad iga dhaqaaqdee

Bal inaan ku dhiirado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhiteeysanee

Dhoof nooli kulantee
Ha dhalantaalin caashaqa
Dhakso iigu soo noqo.

Xaliimo

Anba dhiigu kama fulo
Dhanbaal wadaha beerkoo
Sidaan dhaxal u yeeshuu

Idhex dagey ma guuree
Waxan dhuuni ka cunaa
Dhan dhanaansi kaliyee

Way dhaamisaa weel
Ilmada iga dhaceeysaa
Dhabankayga qooysee

Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon.

Kuluc

Dhaqaaq toobiyaha qaad
Dhulku taago taago
Dharaartuna dalaalimo

Malaa igao ku dhawroo
Wax ku dhiba ilaahey
Kuuma soo dhaweeyee

Gaadiidkana mid aan dhicin
Dheeliyeen usii raac
Dhakhso meel walba u taga

Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigusoo noqo.

Xaliimo

Jacayl aan dhamaaneyn
Jacayl aan I dhaafeeyn
Dhuuxiyo wadnaha galey

Jacaylkii dhulkeeygiyo
Halkan igu dhibaayaan
Debed u dhoofinayaa

Waan soo dhiibi doonaa
Dhanbaal iyo waraaqo aan
Dhiig kusoo qoraayee

Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon

Heesaha kale Halimo Khalif Magool, Mohamed Ahmed Kuluc Riix magcan

2 Comments

  1. waamahadsan tahay
    waxaan kaloo codsanaa inla iisoodaayo heesta ah rooblow la iina sheego fanaaninta qaaday waa mahadsan tihiin

  2. Asc.walaal waan ku salamayaa salaan ka dibna wxn hawada waan kuu marinaya salaan qaali ah.walaal wan helay aqbaartaa waana ku mahsan tahay walaal wxn kuu rejanayaa caafimad wacan.walaaal bye

Leave a Reply