Magool
huqdaad i goysaa
la cidla laga hayaamee
hayinaan ku guuraan
heeryo saaro waayee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay
Maxamed Salaad Shardi
hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane
meehanaabayee
oo haraadayee
waxaba haysanaade
hoodiyo ayaaniyo
hibuu rag isku dhaafee
habeen dhalad ninkii ahna
talo kama habawdee
hibooy hadimada adaa leh
hibooy kolka waan hinqadayo
hibooy hareeraha i qaadaye
waxaan haabta waayee
Magool
hinqaryada i haysiyo
duryan baa hadal batee
waxaad haabanaysiyo
hanti kuguma lurayee
hadhka labada galiniyo
hooskaa wareegee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay
Maxamed Salaad Shardi
hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane



Macha allah Hees waaye Wlh, Allaha U danbi dhaafo Magool iyo salad Darbi, Ummac Magool allaha Uku Naxaristo Wan so dawaday Riwayadihi waqtigi dowlada ay ku jirtay Iyo hesahedii macana Rabiyow u naxariiso Boqoradeena Ammiin