Halimo Khalif Magool - Hiboow heedheh - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Hiboow heedheh

Artist Halimo Khalif Magool, Salad Darbi
74,061 views

Magool
Huqdaad i goysaa
la cidla laga hayaamee
hayinaan ku guuraan
heeryo saaro waayee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Lyrics by Maalmo.com

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

meehanaabayee
oo haraadayee
waxaba haysanaade

hoodiyo ayaaniyo
hibuu rag isku dhaafee
habeen dhalad ninkii ahna
talo kama habawdee
hibooy hadimada adaa leh

hibooy kolka waan hinqadayo
hibooy hareeraha i qaadaye
waxaan haabta waayee

Magool

Hinqaryada i haysiyo
duryan baa hadal batee
waxaad haabanaysiyo
hanti kuguma lurayee
hadhka labada galiniyo
hooskaa wareegee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

Heesaha kale Halimo Khalif Magool, Salad Darbi Riix magcan

Leave a Reply