Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Maw dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhadhan siiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen
hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed
jacayl dhaawiciisii
qofna wali dhibtiisii
dhaayaha ma beeloo
dhaguhuna ma awdmeen
dhaxan suu u tagnaa
maka daatay dheehii
dadku mayska dhaafeen
dhaqax maw maleeyeen
wali dheymadiisiyo
dhakhtar lagu daweeyaa
dhulka ay ku taaliyo
halka ay ka dhawdahay
kun habeen maw dhaxay
hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed
diyaariye qalbijaceyl



asxan hees iga dheh waaaaaaaaaaaa fanaanadii hee x m q
nice song eebow kuu naxariiso
hala unaxasisato magool waa hees macan
aad ayaan ukahelay waa sida aad shektay jaceel dhiik waa laku qoray
Maashaa allaah Qalbijacayl dadaal baden ayaad samaysey sida aad u soo diyaarisey Qoraalkaan .
waad inoo raaxeeysaye
rabi ha ku geeyo
halkii roon