Halimo Khalif Magool - Nayruus ‘Neyruus’ - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Nayruus ‘Neyruus’

Artist Halimo Khalif Magool, Mahamed Sulayman Tubeec
273,585 views

[Tubeec]

Lyrics by Maalmo.com

Neyruusku waa ciid
waa nagi aduunyadu
waa nuur kalgacalkuye
magooley
waa nuur kalgacalkuye
xaliimooy
nafta maw xidigisaa
nacab ma iska celisaa
waxaad naawileysiyo
naqu makuu cuntamayaa
inaguna nasiibkeen
nasiibkaa nasiibkey
maku naaxi doonaa
caashaquna neecawda
maku neefsan doonaa

[Magool]

Nayruusku waa ciid
waa nagi adduunyadu
waa naar kalgacalkuye
nasiibow
waa naar kalgacalkuye
nafteydow
nabaraa i gaadhoo
ma nuux nuuxsan karayee
anigay noq noqoshadu
i naanaabineysaa
sidan kuugu nabanahay
hadaad iigu nudan tahay
amaad iigu nugushahay
xiskeenoo nagaadiyo
nimco la arki doonee

[Tubeec]

Waligey kumaan nicin
naagana kuma ag dhigin
ka nixina ismaan odhan
naruurooy
ka nixina ismaan odhan
nasteexooy
nidir waxan ku gali jirey
noloshadaada awgeed
qalbigeedu noogiyo
naafaba ha daayee
allahayow nasiibkeen
nasiibkaa nasiibkey
maku naaxi doonaa
caashaquna neecawda
maku neefsan doonaa

[Magool]

Neyruusku waa ciid
waa nagi adduunyadu
waa naar kalgacalkuye
nasiibow
waa naar kalgacalkuye
nafteydow
waa nibiri caashaquye
nugul waa u daran yee
hore iigumaad nixin
naxariis kalgacalee
waan ku naawilaayee
nabad aan ku waarnee
igadaa litaaqada
niyad samida caashaqa
adiguna ha naafeyn.

Heesaha kale Halimo Khalif Magool, Mahamed Sulayman Tubeec Riix magcan

3 Comments

  1. wacdi iyo waano iyo tusaalo intaba wey kujiraan heesstaan.5str

  2. hesaha magool inoo dhaafa hadaanad ku so darayn armuu idiidaa dadka soo copy gareya waad haysaan fanaanada asl u lahaydna maanad soo galin sidaas maaha wax wanaagsan

  3. nice song

Leave a Reply