Hassan Aden Samatar - Aamina - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Aamina

Artist Hassan Aden Samatar
156,622 views

Aaminey xusuusnow
inkastoo ayaamahan
arintaadu adag tahey
aadmigu siduu qabo
ama ay aniga ila tahey
Adna aad ogsoontahey
ifka intaan ku noolahey
kaa ooli maayo

Lyrics by Maalmo.com

In ninkale arooskii
kuu abaabulaanoo
oridiisa noqotana
waa midaan ahaaneyn

Arin waxan ku goynaba
soo ururi taladoo
isu imashadeenii
arbacada habeenkii
afar saac markey tahey
hay inoo ahaatee
aaminaay xusuusnow

Aaminaay xusuusnow
hadal wuxu amaan yahey
intaanad odhanine
afka haduu ka soo baxo
adigu uma arimiside
ummaduu u dhexeeyaa
arkaa qaadna weeyoo
oodiisu kaa rogan
doqontii ismoodee
arooskeed ka heestiyo
indha u garad ha noqonine
iska hubi ujeedadan
Arin waxan ku goynaba
soo ururi taladoo
isu imashadeenii
arbacada habeenkii
afar saac markey tahey
hay inoo ahaatee
aaminaay xusuusnow

Heesaha kale Hassan Aden Samatar Riix magcan

1 Comment

  1. Dadku kala ayaan roon
    Ama kala aqoon dheer
    Ama kala asluub weyn
    Hadaan eed la doonayn
    Ama deeq Illaahay
    Asaraar ka taagnayn
    Dadku eexo kaa gelin
    Inan yahay la’aantaa
    Dumar lama abuureen
    Gabadh lama ammaaneen
    Jacayl looma ooyeen

    Geed beer udgoon iyo
    Ku dhex-yaal ugbaadoo
    Ubax iyo man fuulaay
    Ulihii madheedhkee
    Iimey ku yaalliyo
    Ilo wada xareedoo
    Nafta lagu illaawaay
    Dayaxoo iftiimoo
    Arladoo dhan gadhoo
    Afar iyo tobnaadaay

    Qorraxdoo aroortii
    Dhulka soo abbaartoo
    Sagal iid dhex joogtaay
    Waxaad tahay adduunyada
    Dhexda udubka haystoo
    Xejiyoo adkeeyoo
    Af-gobaadsan maayoo
    Qurux lama amaahdee
    Ashkir geenyo ugubey

    Adhaxdiyo laf-dhabartiyo
    Sanbabbada agtoodiyo
    Ililaha halbowlaha
    Eebaa ku mudanoo
    Arrintii cuslaatoo
    Naftu aammusnaantii
    Iimaansan weydoo

    Amaleey jacaylkii
    Soo dhaafyey uurkoo
    Afku haysan waayoo
    Goortaan ogaadee
    Arammidu dillaacdaan
    Ooddii ka leexshee

    Axdi jaba abaal luma
    Kaa eegi maayee
    Igadh iyo maqaarkeed
    Innagoo ahaannaan
    Hadalkii ku ururshee
    Adiguna dheh aammiin

Leave a Reply