Hassan Aden Samatar - Asma - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Asma

Artist Hassan Aden Samatar
91,747 views

Aasmaay daa’uus la mood
daraan dare dhaayihii
dukhriga kuu eegayoo

Lyrics by Maalmo.com

Dareemey markey arkeen
indha deerada ahee

Sida dahab maar ku jira
ama dab la shidey habeen
dadkey ka dhex muuqatee
allow ka du il daran

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan aqal deyr laheyn
ogow daadkaa u gala

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan raggu dumar laheyn
dibjir buu noqon lahaa

Asmaay daa’uus la mood
dabeecada fiicaniyo
badh weeyaan diintuyoo

Waxaad tahey ruux duniyo
dulqaad meel loo dhigee

Hadii dunidaba dhamaan
dumar isu qurux dhigtaan
ileyn dayax baad tahee
adaa lagu daawan laa

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan aqal deyr laheyn
ogow daadkaa u gala

Waxaan kuu daba socdaa
hadaan raggu dumar laheyn
dibjir buu noqon lahaa

Heesaha kale Hassan Aden Samatar Riix magcan

Leave a Reply