Hassan Aden Samatar - Hoygaan - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Hoygaan

Artist Hassan Aden Samatar, Khadra Dahir
88,921 views

haybadaada wacaniyo
hanaankaaga fiican
hubaashii ideeqoo
haybow waxaad tahey
kii aan heeybinaaye.
hooygan aan dhisaynaa
kii noo hagaagee
hoodo iyo barwaaqo leh
ha ka yeelo eebuhu.

Lyrics by Maalmo.com

sida hawd barwaaqo ah
oo xaley hilaac marey
ama laan hareeriya
waxad tahey hubaashii
naftu middey la heeysaa.

hoygan aan dhisaynaa
kii noo hagaagee
hoodo iyo barwaaqo leh
haka dhigo eebuhu.

sida hadhac magooloo
cirkuna heley habeenimo
daadkuna haraaciyey
hooygii caafimaadkiyo
hogob lagu nastaad tahey.

hooygan aan dhiseynaa
kii noo hagaahee
hoodo iyo barwaaqo leh
ha ka yeelo eebuhu

Heesaha kale Hassan Aden Samatar, Khadra Dahir Riix magcan

1 Comment

  1. salaan sare aan idiin saxo waa xasan iyo khadra iyo hibo nuura waxayna kujirtay riwaayadii udanbeesay timo awdan fara udhawaaq thanx aqyaarta webka

Leave a Reply