Hassan Aden Samatar - Kujar hadalka - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Kujar hadalka

Artist Hassan Aden Samatar
64,046 views

Hilaac rooboo
kaliil da’ay
halalac dhul
doog luu ku hirayaa,
Hubaal caashaqaagii
halis gali nafteydee
hadal caafimaad qaba
iiga hoo
Jacaylku habaabi maayuu
nasiibku hungoobi maayuu
hantina waxba waayi meynee

Lyrics by Maalmo.com

[Dhextaal]
Hada aan dhameynee
kujar hadalka kujar
kujar hadalka kuba jar
(2x)

Hibo deeq mid hodaneey
madheedh hawr hilan hareeriyaa
waxaad haabeyneysiyo
himiladii bislaatee
hadal caafimaad qaba
iiga hoo

Horseed ku abaar ma sheegine
hayaankuna geedi weeyee
haraadna ka yaabi meynee

[Dhextaal]
Hada aan dhameynee
kujar hadalka kujar
kujar hadalka kuba jar

Heesaha kale Hassan Aden Samatar Riix magcan

Leave a Reply