Hassan Aden Samatar - Markan dada jiray 15 - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Markan dada jiray 15

Artist Hassan Aden Samatar
76,656 views

Markaan Da’da jirey shan iyo toban
markaan damac guur lasoo kacey
dookheeyga markaan u sahantagey

Lyrics by Maalmo.com

nafteyda midaa u door bido
da’deed anigoon ka garaneeyn
hablaha ka deeydayo midaan idhi
dabeecadaheeda gaar iyo
bal aan dulaha tilmaamee
dhulkoo danbarsame ku hooroo
dunida maasheeyey waaguye
midabka biyo dahab sidoodii
ishaan, deymadaan ka boganoo
jeedalada waa u dawiyo nabade.

caashaqan mudo badan
mudo badan i daashadey
riyoda taan doonisteedee
hurdada daris kula ahaan jirey
dabeeyshiyo dhaxanta deeyreed
dugsiga tii iiga noqon leeyd
armey ii daraneeyn adiga tahayeey.

Dooda iyo kulankeenii barashadada
deexdiyo hadalkaagii macaanaa
dawooy samirkiyo dulqaadkii
imaankiyo daacadaadii
dubaakheey taan jecleeystee
naftayda mideey ku dagi layd
armeey daraneey adiga tahayeey

Heesaha kale Hassan Aden Samatar Riix magcan

Leave a Reply