Heeso Wadani ah - Soomaali baan ahay - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Soomaali baan ahay

Artist Heeso Wadani ah
27,597 views

Waqtiyada socdaalka ah
Ayaamaha silsidda ah
Xilliyada bal suuree
Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo
SOOMAALI WAA KUMA?

Lyrics by Maalmo.com

Sinnaantaan la magac ahay
Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
SOOMAALI BAAN AHAY

Ninna madax-salaax iyo
Kama yeelo seetada
Sasabada ma qaayibo
Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha cellin
SOOMAALI BAAN AHAY

Dabayshaan la socod ahay
Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan ahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay

Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY

Socdaalkaygu waa meel
Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa caan
Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran
SOOMAALI BAAN AHAY

Nin i sigay ma nabad galo
Nin i sugayna maba jiro
Libta weli ma sii dayn
Gardarrada ma saacido
Nin xaqlana cid lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY

Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
SOOMAALI BAAN AHAY

Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Ninna kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY

Ninka iga sed roonow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran “sasabo bedow”
Dareen seexda ma lihiye
SOOMAALI BAAN AHAY

Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida

Heesaha kale Heeso Wadani ah Riix magcan

13 Comments

  1. mansha alaah somali baan ahay#

  2. mansha alaah viva somali baan ahay

  3. Waa hees wadani ah oo dareenka wadaninimo kahadleysa, balse wadaninimo qiimaheedu muxuu yahay haddii aan lamuujinayn.

    Walalayaal, magaca soomaaliyeed aynu xejino oo aynu iskadhaafno tafaraaruqa.

  4. waqtiadasocdaalkaa avaamaha silsilasaa

  5. masha alah xasuus wacan jaalazaal

  6. lagama sheekayn karo saamaynta ayqofka soomaaligaa ku yeelanayso heestaani laakiin soomaali waakuma ? allah ha unaxariisto abwaan yamyam ayaa sameeyay miraha heestaan waxaana qaadaya kooxdii iftin

  7. aad baan u jeclahay

  8. maasha allaah aad iyo aad ayan ula dhacay waana soomaali dhab ah laakiin hadii aad xasuusataan yaa qaaday?

  9. Maasha allaah soomaali baan ahay

  10. woooooooooow, aad baan oga helay heestan wadaniga

    SOOMALI BAAN AHAY!

    • xaqiiqdii waa hees dhiiga aadamikasta oo somali u dhashay wax dareensiinayso.runtii shakhsi ahaan aad baan u jecelahay

  11. WAAAAAAAAAAAAW

  12. maansha allah soomali baan nahay

Leave a Reply