Kaskey - Muxiba - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Muxiba

Artist Kaskey
47,341 views

Maalintaad baxeysee
magaalada ka dhoofta
muxubo kuu jaleeco

Lyrics by Maalmo.com

Miyirkan lahaa iyo
maankii ku raacee

Inta intad igala maqantahay
ma seexdo habeenkii
waa soo mirkacaya

Meel aan dhaweyn
baa iga muuqaneysaa

Yaa madi ahaninee
marwadan jeclaayee
kala maarmi meynee
mar nabad ku soo noqo

Magacaga inanta leh
marka loogu yeeree
maqlaan soo hinqanaya

Mudadeydu badana
muuqaagu dheeraa

Inta intad igala maqantahay
ma seexdo habeenkii
waa soo mirkacaya

mugdigana habeenadan
ila sii madoobaa

Yaa madi ahaninee
marwadan jeclaayee
kala maarmi meynee
mar nabad ku soo noqo

Heesaha kale Kaskey Riix magcan

Leave a Reply