Kaskey - Waqtiga - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Waqtiga

Artist Kaskey
46,641 views

Waqtiyow dhibaatada
dhalinyaro intaan ahey
hay soo dhaweynine
waxaan ii dhameyneyn
sharafteydan dhawroo
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Lyrics by Maalmo.com

Waqtiyow dhul omosoo
wabiyadu is dhaafin
beeraha dhexdoodiyo
dhirtu ubax macaan dhalin
dhaayaaha u rooneyn
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Waqtiyow dhismaha guud
dowlada aan dhaliiloo
dhibaatadan i gaadhiyo
ka warqabin dharar qudha
dhaqankaan ku noolahey
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Waqtiyow la dhaqan dumar
lama dhaafi karayee
dhalanteedka caashaqa
mid ah toban dharaarood
ama aanu dhab ka aheyn
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Waqtiyow dhulkaagiyo
adduunyada dhiskeediyo
dhaxalkiyo doogiyo
dhoobadiyo canbuushiyo
kugu dhaarshey diintee
arimaha aan kuu dhigey
dhalinyaro intaan ahey
dhegaha iyo aragaba
ka dheeree agteyda

Heesaha kale Kaskey Riix magcan

Leave a Reply