Kinsi Haji Aden - Xareeda laguma wacnaado - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Xareeda laguma wacnaado

Artist Kinsi Haji Aden
128,864 views

Xareeda laguma wacnaadoo
Abaartana lama xumaadoo
Aduun xumba maaha gudhayee

Lyrics by Maalmo.com

Haduu kuu xeel Furnaadoo
Xogtiisana ruux ku siiyoo
Xussuusta lagama gooyee

Xagaaga markaan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin

Aduun waa xeerba xeeroo
Sidii weeye xabag cadaadoo
Xilbay adhi jiri wadaagtaa

Inagoo xidid iyo gunbuuroo
Amase laamaha xubnaadoo
Xumaan hay felin waxyeelee

Xagaaga markaan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin

Qoraal heesta sii raaca
Sidii faras xamar is xooday
Amase geenyo xariir la taagay
Xudu iyo shaal lagu hagoogay

Haday xaragadu ku qaado
Xidigaha xataa ayku geyso
Wuxuun baa la xeeriyaayeey

Xagaaga markan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin

Lyrics By Lamaane

Heesaha kale Kinsi Haji Aden Riix magcan

2 Comments

  1. aim very congratulation for this website after congratulation.
    I would like to tell you, you add this web arts listen.
    then this wb will be confortable website.
    THANK’S.

  2. Hargeisa waa hoyga heesaha….Kinsiiyey Illaaahay adiga iyo annakaba ha noo naxariisto…We gonna miss u

Leave a Reply