Lafoole - Amaan - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Amaan

Artist Lafoole, Xabiiba Xassan Toxow
127,987 views

Sida hooyo ubadkeeda
uur iyo ku qaad dhabarka
oohin iyo udiid silica
anshax iyo wanaag barista
aayaha u korintaanka
ayaad uga egtahey samirka

Lyrics by Maalmo.com

Eed maleh nafteydani
hadey ku ogolaatee
waa amaantada inaad u qolantaa

Sida gaaf arooskiisa
alalaaska dumarkeena
galbiska iyo asluubtooda
ayaad uga egtahey sharafka

Eed maleh nafteeydani
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalanta

Sida ubaxa iyo dooga
ama uduga reexaanka
ayaad inanyahoow adigu
sida ehel nafta u tahaye

Eed male nafteeydani
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalantaa

Sida ololka nuurkiisa
ama dayax ilayskiisa
ayaad iila egtahey muuqa
indhahaad ula egtahey quruxda

Eed maleh naftani
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalantaa

Heesaha kale Lafoole, Xabiiba Xassan Toxow Riix magcan

1 Comment

  1. Ninkaan waa nin cajiib ah heesihiisa waa kuwo dareen leh ama dhacdo ku saleysan

Leave a Reply