Lafoole - Amaanta Ft Xabiiba - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Amaanta Ft Xabiiba

Artist Lafoole, Xabiiba Xassan Toxow
19,063 views

Sida hooyo ubadkeeda
uur iyo ku qaad dhabarka
oohin iyo udiid silica
anshax iyo wanaag barista
aayaha u korintaanka
ayaad uga egtahey samirka

Lyrics by Maalmo.com

Eed maleh nafteydani 
hadey ku ogolaatee
waa amaantada inaad u qolantaa

Sida gaaf arooskiisa
alalaaska dumarkeena
galbiska iyo asluubtooda
ayaad uga egtahey sharafka

Eed maleh nafteeydani 
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalanta

Sida ubaxa iyo dooga
ama uduga reexaanka
ayaad inanyahoow adigu
sida ehel nafta u tahaye

Eed male nafteeydani 
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalantaa

Sida ololka nuurkiisa
ama dayax ilayskiisa
ayaad iila egtahey muuqa
indhahaad ula egtahey quruxda

Eed maleh naftani
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalantaa

Heesaha kale Lafoole, Xabiiba Xassan Toxow Riix magcan

Leave a Reply