Lafoole - Hubqaad - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Hubqaad

Artist Lafoole, Nimco Dareen
164,247 views

Hubqaad iyo qurux
yartii hanataay
haybad iyo sharaf
yartii looga hadhay
hubaal naftaydaay
tay u hilawdaay

Lyrics by Maalmo.com

Haykal iyo muuq
kaan u heelanow
haybad iyo maan
kii horseedow
naftan hugushaan
kay ku hiratow

Hablaha idilkood
tii aan ka helaay
haweenba dhamaan
tii aan la hayaay
hargeysa iyo hawd
taan ka haybshaan

Baxdawyadii herer
kaan ka helayoo
hanadoo idil
kii aan la hayow
tani iyo wadnuhu
kuu habayow

Hasaasaha guur
taan habsoobaay
hawaawir jacayl
taan hadraayaay
habeenada dheer
taan hilaabshaay

Hirka nololeed
kaan higsanayow
huqda caashaqa
kii igu huriyow
sida hoqol roob
kii u hirayow

Heesaha kale Lafoole, Nimco Dareen Riix magcan

2 Comments

  1. nimco quruxley cod macaan ayaad tahay abaayo

    • wooooooow caadi ma aha nomco qurux iyo cod ayay isku darsatay mansha allaah fanaaniinta cusub waa qofta ugu si data xagayga koley ugu dhagaysi badanahay

Leave a Reply