Lafoole - Iimaan - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Iimaan

Artist Lafoole
49,965 views

Asluub dumar iyo xishood
Aqoon iyo qurux haween
Marwadii uu eebahey
Asaageed dhaafiyaay
Jacaylkaad abuurtay iyo
Kalgacaylkaad unugtay baa
Qalbigu kugu aaminee

Lyrics by Maalmo.com

Ahoow Iimaan ahoow
Ahoow waligaa ahoow
Ahaataye ii ahoow
Ayaanbadan ooridaan
Aduunyada ugu jeclaa.

Ilayskii nuurayaay
Iftiinkii waabaraay
Udgoonbadan aynigeed
Amaanta mutaysataay

Ishaa ii macalin oo
Gayaankaa ado qudhaan
Nafteeyda kugu aaminee

Adkee Iimaan adkee
Adkee waligaa adkee
Adkeeysaye ii adkee
Adaa arimada jacayl
Wadnuhu kuu oomayee

Aroos iyo aqal galnee
Awlaad ubad kheyr qaboo
Ina anfaca Eeabahey
Aamiin Rabbi ha aqbalee

Islaam sugan baynu noo
Alleh iyo Nabigii qiroo
Sunne iyo Faral oogayee

Ugoow Iimaan ogoow
Ogoow waligaa ogoow
Ogaadaye ila ogoow
Cibaadadu waa Albaab
Jannada irrid loo mare.

Heesaha kale Lafoole Riix magcan

1 Comment

  1. nice song axsan fanan keep up.

Leave a Reply