Lafoole - Libta - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Libta

Artist Lafoole
49,249 views

Aduunyadan lamaaniyo
Laba lala abuuree
Laxawgeey u darantahay

Lyrics by Maalmo.com

Xubigiyo kalgacalkiyo
Hadaan caashaq lagu ladhin
Libaan ma joogtee

Anigina la’aantaa
Ladiwaa hurdada oo
Lahashada naftaa i maqan

Hashii qadawga laacdee
Aan laaga helin baan
Ladaneey ka dhiganahay

Jeceylkana lugooyada
Laqmiga waa udaran yahay
Laakiinta waa u halis waa u halis
Laakiinta waa u halisee

Libta inaan haleeliyo
In aan laabta samir baro
Labada Ladaneey Labadaa
Labadaa mid ii sheeg

Dheererkiyo lexaadkiyo
Laafiyaha dhilanee
Moodo labi caleen dhigay
Luquntiyo cabaarayaha
Dhabanada labeenta leh
Midabkaaga luulka ah

Wacadkiyo lilaahida
Axdigaan u laabkacay
Lurka igu abuuroo

Leebkii gantaalkii
Adigaa likeysiyo
Kalalaalankaa idhigay

Jeceylkana lugooyada
Laqmiga waa udaran yahayee
Laakiinta waa u halis waa u halis
Laakiinta waa u halisee

Libta inaan haleeliyo
In aan laabta samir baro
Labada Ladaneey Labadaa
Labadaa mid ii sheeg

Heesaha kale Lafoole Riix magcan

1 Comment

  1. iskuday sxba yaa il aad kubadisaan bar naamishka fanaan ka maxamad xasan xuseen xasan lafoolle

Leave a Reply