Lafoole - Qareenlaay - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Qareenlaay

Artist Lafoole
38,699 views

Kala qaxa qareenlaay
hadiyo jeer is qoontaay
qaldaneey dareenlaay
kol is wada qaniintaay

Lyrics by Maalmo.com

Jirka qaran u dumaneey
qilaaf lagama waayaay

Waligeed ma qanacdaay

Hadaad kala qabweeyntoo
qabyaaladina wacantahey

Bal qooyskiinii soo hadhaa
ha xukumo qabuuraha

Qisaas iyo qudhgooyiyo
qiiro iyo qamuunyaay
bulsho kala qoqobaneey
danta qiil u waydaay

Qorshehii marqaankee
qaadiradu lumisaay

Gabigeed qalibaneey

Hadaad kala qabwayntoo
qabyaaladina wacantahey

Bal qooyskiinii soo hadha
ha xukumo qabuuraha

Qalooc iyo dhib badaneey
nabad kuma qaboobaay
tii kala qalootee
qaar ba meel ku oodmaay
qarqar iyo xanuuneey
qaska tii ku madhataay
ummad wada qafiiftay

Hadaad kala qabwayntoo
qabyaaladina wacantahay

Bal qooyskiinii soo hadhaa
ha xukumo qabuuraha.

Heesaha kale Lafoole Riix magcan

Leave a Reply