Lafoole - Ruun - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Ruun

Artist Lafoole
116,917 views

Laf dhabarta adhaxda iyo
unugyada dhiigee jiidhka
laxaadka intiisa kale
adimadii celinayaay

Lyrics by Maalmo.com

Jacalykii waayo arag
astaantii lagu xusaay
ubucda beerka iyo wadnaha
adaaa masalaha dhigtoo
kaligaa kugu aaminee
cid kale looma ogolaa

Repeat

Afadii dhibta ila martee
samikra ila qaybsataay
amaanada dhawrtaa eey
balanta ila oofisaay
abaalkaad iga mudnay
waligay ma iloobayoo
qalbigaad ku abuurantee
ogow ruuney ogow
adaan ifka kuu jeclahay.

Repeat

Aroortii cir onkaday iyo
udgoonkii gufaacadaay
xareedii i oon tirtiyo
raxmadaan ku il doogsadaay
asaaskii udub dhigiyo
aqalka tiir isu hayaay
siday u wiilshu ilmaheeda
eegmada ugu laxawsataa
uurkuu nugul seexatoo
cid kale looma ogolaa

Ijabadaan ka aflaxaay
ilayska nuur daalacshaay
xubnaha jidhka unugiyo
ruxaad ku aroortayoo
iridka sababada degtoo
cid kale looma ogolaa

Afadii dhibta ila martee
samikra ila qaybsataay
amaanada dhawrtaa eey
balanta ila oofisaay
abaalkaad iga mudnayd
waligay ma iloobayoo
qalbigaad ku abuurantee
ogow rakasey ogow
adaan ifka kuu jeclahay.

Repeat

Heesaha kale Lafoole Riix magcan

1 Comment

  1. waxaan taageeraa fanaanka lafoole waa fanaan somaaliyeed kana mida ah fanaaninta dalka hada ugu fiican

Leave a Reply