Lafoole - Soo heeti - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Soo heeti

Artist Lafoole
54,219 views

Hoodiyo ayaanley
habeen dhalad nasiibley
haanshana gobaadley
sadex qeyd hanaanliyo
boqor lagu hagoogiyo
dhacle lagu habeeyiyo
adigoo hidiihii qaba
soo heeti hodaneey
adigoon haraad qabin
soo heeti hodaneey

Lyrics by Maalmo.com

Hibaaqiyo udgooney
sida hogol hanaan qurux
hobaanta midab u leh
adoo heensa qaadkiyo
hubinaaya socodkoo
hadafaaya gobonimo
adigoo hidiihii qaba
soo heeti hodaneey
adigoon haraad qabin
soo heeti hodaneey

Haybadaada sharafta leh
habeenkaaga kheyrka leh
dharaartaada hibada leh
quruxdaada hodanka ah
qiimahaaga hubanka ah
timihaaga hadhaca ah
adigoo hidiihii qaba
soo heeti hodaneey
adigoon haraad qabin
soo heeti hodaneey

Heesaha kale Lafoole Riix magcan

Leave a Reply