Lafoole - Taar - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Taar

Artist Lafoole
65,678 views

Lafoole

Lyrics by Maalmo.com

Dumarkaba Aduunbaa
iigu dhaga nuglaayoo
aan soo dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
waxad tahey dhakhtaradii
mudo iga dhayeeysoo
waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
inaad dhoofto jeceshahey
gaadhigaa dhakhsanayee
kusidaa ma dheeliyo
uma seexdo dhinacyada

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
iyo dhagaxa dahabka ah
qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
iyo dhool aroor da’ay
dhul xareedi wadhantahey
uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
dhawaan soo bax kugu yidhi
dharaar qudha aduunyada
hanti aad ku dhaqatiyo
ha ka waayin dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
kuma tuso dhibaatoo
ayaan dhalad nasiibliyo
mid hoodale hakaa dhigo.

Heesaha kale Lafoole Riix magcan

Leave a Reply