Sida meel tigaadloo
Dhirtu taan baxeeysoo
Xareedii baliga tiil
Onkodkiina galab da’ay
Sida loogu toosee
Loo tiigsadaa
Anigana tufaaxii
Iyo timirta caashaqaan
Soo taabo leeyahay
Fili meyn tabaaladan
Tahli waga igu dhacay
Fili-meyn talaabadan
Sidaad iigu tacadiday
Warankaad ku taagtiyoo
Tiiraanyadaadii
Halka ay la taal
Ku tusaye nafteydii
Hadii aad wax tari lahayd
Ama aad ka tagi lahayd
Adigeey adigeey
Adeey talo ku joogtaa
Sida sheekh turxaanli’i
Towxiidkiyo salaadii
Towbadii Ilaaheey
Wajigiisa ugu tagay
Sida loogu toosee
Looga wada tuf qaataa
Anna tamaaradeydii
Waa kaley nasiiboo
Farxad kuula taagnahay
Fili-meyn tabaaladan
Tahliwaaga igu dhacay
Fili meyn talaabadan
Sidaad iigu tacadiday
Warankaad ku taagtiyo
Tiiraanyadaadii
Halka ay la taal
Ku tusaye nafteydii
Hadii aad wax tari lahayd
Ama aad ka tagi lahayd
Adigeey adigeey
Adeey talo ku joogtaa



yusuf heesaha qaar wali maan soo galin aygoo maqal sabtoo ah hoolwadeen heescusub oo mashquulsan awgii laakin xilayada ugu dhaw ayaan dhameestiri doonaa heesaha badankood waxaan ka soo qaadanaa maalmo.com iyo youtube waad ku mahadsanatahy suaasha
Waxaa iga su aal ah oo aan raba inaan idan weydiiyo maxeey tahay sababta heesaha lycrs ama qoraal lee u yihiin oo aaysan maqal u laheyn?? Hadii aay jirto qalab u gooni ah oo heesaha webkiina lagu dhegeeysto fadlan ii soo sheega adinkoo mahadsan!!!