Lafoole - Xabiibi - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Xabiibi

Artist Lafoole
183,406 views

Xurmo iyo Sharaf
Xilkas iyo Aqoon
Xishood iyo midii
Xayada u Dhalataay

Lyrics by Maalmo.com

Anoon Xoolo hayn
Xubi taan wadaagnee
Caydh ila Xarootee
Xaaskeygii Noqotaay

Sidii baan Xabiibi
Weli kuu Xaq dhawraa
Sidii baan Xabiibi
Xumaan kaa ilaashaa
Sidii baad Xabiibi
Xile iigu tahayoo
Wali kuu Xushmeeyaa

Xuural cayntii
Xiisaha kalgacal
iyadoon Xumayn
Tii ila Xambaartaay

Xulashadii Haweenkaay
Xaqiiqdii waxaad tahay
Xog~Ogaalka Noloshiyo
Xaragadii Nafteydee

Sidii baan Xabiibi
Weli kuu Xaq dhawraa
Sidii baan Xabiibi
Xumaan kaa ilaashaa
Sidii baad Xabiibi
Xile iigu tahayoo
Wali kuu Xushmeeyaa

Xidigyahay adaa
Xarago iyo Qurux
Xasil iyo wanaag
Xaakim kuugu Deeqoo

Xaraga jidhkaagiyo
Xubnahaaga Yaab kaleh
Markaan soo Xasuustaan
Nafta xiiso galisaa

sidii baan Xabiibi
weli kuu xaq Dhawraa
sidii baan Xabiibi
xumaan kaa ilaashaa
sidii baad Xabiibi
xile iigu tahayoo
wali kuu Xushmeeyaa

Heesaha kale Lafoole Riix magcan

Leave a Reply