176,550 views
Majinbaa majaanbaa
mise jahawareer bey
arintaydii joogtaa
sowkan jirihii aan waday
dhan kale u janjeedhsaday
alahayow janiyo naar
adaa u kala jiheeyee
aniga jooge iga maqan
qalbigaygii lana jiro
oo jabiyo maamuus
jiro badan la soo maray
isagana jacaylkuba
uu layahay dad jaale ah sidii
sideen ugu jiheeyaa
Jiibintoo hilaaciyo
sida johorad nuurtuu
meel iila joogoo
jibaadiyo kalgacalkana
nafta waan u jari lahaa
sida roob jirdaale ah
ama jeerta wabiyada
ee joogta waligeed
sowkan jabadka iga galay
jifahayga eebaa
janadiisa iga siine
isagana jacaylkuba
uu layahay dad jaale ah sidii
sideen ugu jiheeyaa


