Mahamed Ali Burco - Dhakhtar baa isu keen qoray - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Dhakhtar baa isu keen qoray

Artist Mahamed Ali Burco
257,422 views

Haduu dhugato geel qabo
Ma dhadhamiyo geedaa
Wuu gudasho dhuubtaaye
Anna cudurkan igu dhacay
Waa mid igu dhamaadoo
Waaba laygu dheeryoo
Ku dhadhabay aroosaan
dhinaca isasaarnee
Malaa dhaayahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaabaysu keen dhigay

Lyrics by Maalmo.com

Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Adna wali ma dhaadanid

Baytka 2aad

Maydhanaanka geeliyo
Sida dhayda caanaha
Looma dhamo jacaylkoo
Laguma dhaashto caashaqa
Dhayal haw malaynine
Dhuuxiyo lafahiyo
Waa wax dhiiga kaa jaqa
Caafimaadka kaa jara
Malaa dhaayahaygaay
calaf lagama dhuuntee
Malaa dhaayahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaab baysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Adna wali ma dhaadinid

Baytka 3aad

Sida ruux dhalaanoo
Hurdo looga dhaartaan
Hadba dhinacyadiisiyo
Wadna kugu dhaweeyaa
Sida ruux la dhalaybaan
Kuu dhooddhooliyaayoo
Dhabta kugu hayaayoon
Dhibta kaa ilaashaa
Maladhaa yahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Maladhaa yahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaab baysu keen dhigay

Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Adna wali ma dhaadinid

Marwalbo saxitaankiina Aad ayoo inoo saacidaa
Waxii qalad ama dhameestir ah fadlan inoo soo dir

Heesaha kale Mahamed Ali Burco Riix magcan

    Waan Ka Xunahay kama heeyno Heeso kale Fanaankan Laakin Fanaanin kale oo dhowr ayaa ku jiro Kaydka Maalmo, Dhinaca kale waxaad awoodaa inaad naga codsatid heesihiisa kale si aan usoo galino

9 Comments

  1. really aad baan u dareemay heestan.

  2. walee waxay isoo xusuusisay

  3. I can’t even emagine how i feel this song,It was long time,yaaqshiid 1988

  4. One of the best song ever recorded
    and also it is one of the golden age song
    waa fanaankii Barisamaadkii la holin waayey Mr Mohamed Ali Burco
    He also recorded few songs like Xaawo,
    Mohamed Ilaahay ha ku daayo xusuus baad nagu reebtaye.

  5. nice song

  6. nice song inaba cadi maha

  7. QALAD BIXINHaduu dhugato geel qaboMa dhadhamiyo geedaaWuu gadashaa dhuubtaayeAnna cudurkan igu dhacay,Waa mid igu dhamaadooWaaba laygu dheeryooKu dhadhabay aroosaandhinaca isasaaree.Malaa dhaayahaygaayCalaf lagama dhuunteeKitaabaysu keen dhigay, Dhakhtar baysu keen qorayAdna wali ma dhaadanidAdna wali ma dhaadanid  Baytka 2aad  Maydhanaanka geeliyoSida dhayda caanahaLooma dhamo jacaylkooLaguma dhaashto caashaqa.Dhayal haw malaynineDhuuxiyo lafahiyoWaa wax dhiiga kajaqaaCaafimaadka kaa jara.Malaa dhaayahaygaaycalaf lagama dhuunteeMalaa dhaayahaygaayCalaf lagama dhuunteeKitaab baysu keen dhigay Dhakhtar baysu keen qorayAdna wali ma dhaadanidDhakhtar baysu keen qorayAdna wali ma dhaadanidAdna wali ma dhaadinid  Baytka 3aad  Sida ruux ladhalaybaan kudhoodhoodiyaayoodhabta kugu hayayoon dhibta kaa ilaashaa. sida ruux dhalaanoo Hurdo looga dhaartaanHadba dhinacyadiisiyoWadna kugu dhaweeyaaSida ruux la dhalaybaanKuu dhooddhooliyaayooDhabta kugu hayaayoonDhibta kaa ilaashaa.Maladhaa yahaygaayCalaf lagama dhuunteeMaladhaa yahaygaayCalaf lagama dhuunteeKitaab baysu keen dhigay Dhakhtar baysu keen qorayAdna wali ma dhaadanidDhakhtar baysu keen qorayAdna wali ma dhaadanidAdna wali ma dhaadinid  

  8. axsan hees

  9. The best love. It rise up all my feeling deepling. Somali language is for LOVE and WAR.

Leave a Reply