Mahamed Sulayman Tubeec - Amiin Allahayow - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Amiin Allahayow

Artist Mahamed Sulayman Tubeec
151,083 views

Ma ogtahay ayaantii
Ilmadu kaa da’eysee
indhahaada qoysaa
inanyahay xasuustoo
uurka aan ka ooyoo
waan ka ashahaatee
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayo
amanaada illaaheey noqo
kuman ilaawine

Lyrics by Maalmo.com

amiina allahayoow
waa amaanadaadee

Ma ogtahay sido roob
onkod iyo hilaac badan
oo arooryadii da’ay
ama oogta waabari
eedaankaa subaxdii
waad ii iftiintaa
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayeee
amaanda illaaheey noqqo
kumaan ilaawine

amiin allaahayow
wa amaanadaadee

Ma ogatahay afkeygii
inuu aamus diidoo
ayaadaha quraan iyo
aamaantaada mooyee
arrin kale inuu furo
ogolaani waayaa
waxaad igu abuurtaa
la adkeysan waayee

amaanada illaaheey noqo
kuman ilaawine
amiin allahayoow
wa amaanadaadee

Ma ogtahay sidi aqal
magaaloo aros iyo
id loogu tala galay
ama ubaxa deyreed
waad ii udgoontoo
iimaanka deeqdee
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayee
amaanda illaaheey noqo
kuma ilaawine
amiin allahayoow
waa amaanadaadee

Ma ogtahay ayaantii
Ilmadu kaa da’eysee
indhahaada qoysaa
inanyahay xasuustoo
uurka aan ka ooyoo
waan ka ashahaatee
waxaad igu abuurtaan
la adkeysan waayo
amanaada illaaheey noqo
kuman ilaawine
amiin allahayow
waa amaanadaadee.

Heesaha kale Mahamed Sulayman Tubeec Riix magcan

Leave a Reply