Mahamed Sulayman Tubeec - Cajebey cajiibeey - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Cajebey cajiibeey

Artist Mahamed Sulayman Tubeec
111,798 views

Cajebey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa
sida geed cal iyo buur dheer
Carro-hodan ku yaalloo
Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Hoobaan casuus lihi
Laamaha is-celisoo
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabbaadhyiyo
Dusha sare caleentii
Cidhifka is la gaadhaan
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen

Lyrics by Maalmo.com

Cad waxaad wadaagtaan
Dhulka oo cagaarloo
Cosobkii is gaadhiyo
Cagta meel la saaroon
La cuskado la haynoo
Fiid cawl horaantii
Cirka oo daruuruhu
Ku dhigeen canjiidaha
Dayixiyo cadceeduna
Cidhifyada ka joogaan
Sagal caasha saaraad
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen

Sida faras cag fududoo
Cadda horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad goostaa
Raggu kuu cugtamayaa
Cimri dherer hadhkaagaan
Inay kula caweyaan
Culimada jacaylkee
Cawdeyda gooysee
Ii cadaadinaysaa
U calool yoobayaa
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen

Heesaha kale Mahamed Sulayman Tubeec Riix magcan

Leave a Reply