48,565 views
Jacayl wanaajin maayee
cilmi kii la jaqaf yidhi
jaafaajug bay ii heley
Xadhig igu jirdhaayoo
igu jiririqsiiyoo
feedhahay i jajabayee
Juqna igama daayoo
kolun waad jariyee
jiljileec ha noqon buu
jabaq iigu sheegaayee
Jana kuu danbeyso
jawharad la moodbaad
jareheeda noqon buu
jabaq iigu sheegaa
Jaruu igu kaxaystoo
orod jagaca mooyee
socod waan ka jiitee
Waan jidiin qalalayoo
sidii jilini ii dhicin
dhegahey i jawlee
Juqna igama daayee
koluun waad jariyee
jiljileec ha noqon buu
jabaq iigu sheegaayee
Jana kuu danbeyso
jawharad la moodbaad
jareheeda noqon buu
jabaq iigu sheegaa


