Mahamed Sulayman Tubeec - Taladaan La Ruugin - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Taladaan La Ruugin

Artist Mahamed Sulayman Tubeec, Maryan Mursal
186,223 views

Tubeec

Lyrics by Maalmo.com

rugta lagu abaarsado
daranta iyo uumiga
hadaan reerka laga rarin
xoolahaa ku riiqmee
nafteydaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursal

naftadaa i raacdee
iga raarideysaa
hadii ay run kaa tahay
kaa roori maayee
taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Tubeec

geel rimay ninkii sugey
raadsadey markuu dhalo
ramadkiisa maaloo
baahida ka reystaa
nafteyaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursal

hawraar la raaciyo
raad malaha beentuyo
qalbigaan rigrigey bay
ruxayaan maahmaahduye
taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Tubeec

rasamaalka guurkiyo
raaxada adduunkiyo
raaliyo ninkii hela
raganimo ku faanee
nafteyaa ku raacdee
waa rune waa rune
adna hayga roorine

Maryan Mursaal

rag waa xilo-bilaaliyo
geesi ruuxa deeqee
midaad tahay rabaa oge
kala reebo faalada
taladaan la ruugin
waa lagu rafaadaa

Heesaha kale Mahamed Sulayman Tubeec, Maryan Mursal Riix magcan

Leave a Reply