Maryan Mursal - Amba kalgaceyl - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Amba kalgaceyl

Artist Maryan Mursal
59,181 views

Igu dheeri inantani
waatan dhursugayee
dhuniga u diideen
hurda uga dhaqaaqee

Lyrics by Maalmo.com

dheeheda midabka leh
waa mid lo dhameyoo
maba kala maba kal mabala dhantalnee

Amba kugu dhadhabayoo
laba isku dhiganta
mid haduu dhaltaanmana
dhisma uma hagaage

Amba dhamac galgacal baa
i dhalaalineeso
dhexdu ila yaraatee

dhagar qabe jacaylbaa
inta uu dhan i riday
ma dhex galay wadnaha oo
ma la dhuubtay awgaa ma la dhuubtay awgaa

Dhadhab kugu xasuustoo
Riyo kugula dheelee
Dhalad xuural cayneey
Dhanaad qabatey waayee

kolkaad soo dhawaataa
Dhulku wada iftiimaa
Maba Kala dhantaalee

Amba kuma dhaliilinee
sidaad iigu dheertahay
dhaxalkeyga kugu qoray
inaa dhahal kaa dhaafee

Amba dhamac galgacal baa
i dhalaalineeso
dhexdu ila yaraatee

dhagar qabe jacaylbaa
inta uu dhan i riday
ma dhex galay wadnaha oo
ma la dhuubtay awgaa ma la dhuubtay awgaa

Heesaha kale Maryan Mursal Riix magcan

Leave a Reply