Maryan Mursal - Ledi waayay - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Ledi waayay

Artist Maryan Mursal
97,675 views

Leebkii jacaylkoo
lalayay i haleeloo
laabta igaga yaallee

Lyrics by Maalmo.com

Ledi waayay i
laama doodi waayay
waa mid igu lammaanoo
laadkii ma badanoo
luggoyada ku naaxee
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

Laydhii i qaaddiyo
leexaa i sidatoo oo
igu laashay samadoo
libdhi waayey
i luminna waayey
waa mid iga laxaad weyn
aan loodin waayoo oo
ii laba diblaysee
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

Laafsi yaa macaan iyo
lo’da caaneheeda iyo
liqi waayey soortee
luucin waayey
u leexan waayey
waa mid ila legdaamayoo
luqunta isku duuboo
lugna igu daceeyee
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

Libaaxaannu kulannaan
ladanow ku moodoon
lillaahi u salaamee
laaban waayey
i libiqsan waayey
waa mid la’igu laarayoo
sidii layla iyo qays
loxodkaan la gelayaa
Ma’ii lulay sidii lebi
ama laama lowdshaha
ama laama lowdshaha

Heesaha kale Maryan Mursal Riix magcan

Leave a Reply