Mohamed Mooge - Dadka Ha Iska Weyneyn - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Dadka Ha Iska Weyneyn

Artist Mohamed Mooge
226,191 views

Dadka hayska weyneyn
inaad kali wax garad tahay
hayska dhigin walaleey
ruux waadi fidin jiraa
marba laga wareejaa
kii shalay wacnaa baa
maantaba werwerayee
anigaba wakhtiga qaar
sida wali siraataa
warka la iga guri jirey
waxse wiiqey taladii
waydeeyey raganimo
hadba waaga joogaa
la tihiin walaaloo
waji lacagabey dumar
wacad kaba ku iibshaan

Lyrics by Maalmo.com

Sida wabi qulqulayiyo
waadiga xareed leh
shimbiruhu ka waabtaan
weedhaadii inan yaahay
waa laga wareerayoo
isla weynidaadana
waxa tahay ma sheegtee
wacdaraha adduunkana
waxa laga wereystaa
ruuxii wax garadee
adigoon waaya arag noqon
cirka haysku waabine
nafta waalaneysaa
waano kaama maqashee
hadaad maanta wacan tahay
maku waari doontaa

Heesaha kale Mohamed Mooge Riix magcan

1 Comment

  1. maxamed moge wafanan ad u codqurxon mashalah alo unaxariso

Leave a Reply